Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
Bärplockarna

Dacwad dad lagu soo qiyaameeyay miro guris oo ka socota Uppsala

La daabacay måndag 23 juli 2012 kl 13.29
Miraha la guro xilliga kuleylaha dalka Iswiidhan

Waxaa maanta la filayaa in maxkamada magaalada Uppsala ay xabsiga ku sii heyso nin afartan iyo saddex jir ah oo loogu shakisanyahay dambi ah ka ganacsi dad iyada oo ninkan loo heysto dacwad ah in si qiyaano ah ugu keenay dalka Bulgaariya dadka gura miraha xilliga kuleylaha ee dalka Iswiidhan isaga oo u balan qaaday mushahar, cunto iyo deegaan balse taasi bedelkeeda uu dejiyay dhul banaan ah oo u dhow degmada Tierp ee gobolka Uppland.

Ninka laga shakisanyahay ayaa la soo xiray Jimcihii ka dib markii ay ashtakeeyeen dad gaaraya shan boqol oo ruux oo u dhashay Bulgaariya kuwaasi oo ku andacoonaya in ninkan uu soo qiyaanay isaga oo u sheegay in lacag fiican ay ka heli doonaan gurida miraha afka Iswidhishka lagu yiraahdo blåbär iyo lingon.

Marka laga soo tago dadka sidan oo kale ay shaqsiyaad u soo qiyaanaan ayaa waxaa jirta in hay'ada socdaalka ee Iswiidhan ay dal ku gal shaqo ah siiso sanad walba dad iyagu gura miraha xilliga kuleylaha iyada oo hay'ada ay siisay dad gaaraya shan kun shan boqol iyo konton lix ruux dal ku gal dadkaasi oo ah kuwa ka shaqeysta gurida miraha.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".