Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
Cykalhjälm

Warbixin laga soo saaray xirashada koofiyadaha difaaca ah ee baaskiilada

La daabacay måndag 23 juli 2012 kl 16.09
Foto: Claudio Bresciani/Scanpix

Waxaa sii badanaya tira ahaan dadka isticmaala koofiyadaha la xirto marka la kaxeenayo baaskiilada iyada oo ay wanaagsantahay in caruurta yar yar iyo dadka waaweynba ay xirtaan koofiyado xilliga ay wadayaan baaskiilka, sida uu sheegay Mohammad-Reza Yahya oo ah baare ka tirsan machadka dowlada ee gaadiidka iyo waddooyinka ee (VTI).

Baaritaanka maanta la soo bandhigay ayaa sheegaya in dadka istcimaala baaskiilada ay sidoo kale kordhinayaan aqoontooda xagga nabad gelyada gaadiidka.

Warbixinta ayaa hoosta ka xariiqday in yar yihiin dadka soogalootiga ee xirta koofiyada la gashto marka la kaxeenayo baaskiilada iyada oo baaraha soo diyaariyay warbixintan uu sheegay in la arkayo caruur yar yar oo soogalooti ah oo kaxeenaya baaskiilo xitaa iyaga oo gashan koofiyad.

Xirashada koofiyada ayaa arrin muhim ah iyada oo qofka xirta ay inta badan suuragal ay tahay in ay ka badbaadiso dhaawac ka soo gaara madaxa iyo maskaxda haddii ay dhacdo in baaskiilka uu la rogmado ama uu ka dhaco.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".