Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
Mangs

Peter Mangs oo danbiyo lagu helay

La daabacay tisdag 24 juli 2012 kl 09.43
Peter Mangs oo saaran maxkamad. Foto: Stig-Åke Jönsson/Scanpix

Maxkamada degmada Malmö ee koonfurta Iswiidhan ayaa maanta ku heshay 13 kamid ah 20 faldenbiyeed oo uu ku eedaysanaa Peter Mangs oo loo haystay dhowr toogasho oo sanadkii hore lagu dilay tira dad ah kuwa kale oo fara badana lagu dhaawacay.

Peter Mangs dilalka in uu gaystey lagu cadeeyey waxaa kamid ah dilkii  Trez West Persson oo 20-sanno jir ahayd kaas oo uu gaystay 10 oktober 2009. waxaa sidoo kale lagu helay in uu dilay Kooros Efatian oo ahaa 66-sanno jir kaas oo uu dilay 13 2003. waxaa sidoo kale lagu cadeeyey afar iskuday dil iyo sadex hanjabaad ah.

waxaanse lagu guuldaraystay in lagu cadeeyo in uu dilay nin 23-sanno jir ahaa kaas oo lagu dilay wadada Gånglåtwsvägen magaalada Malmö 28 juli 2003.

Peter Mangs waxaa lagu sii hayn doona saldhiga uu ku xiranyahay hada halkaas oo lagu marsiin doono baaritaan la xiriira caafimaadkiisa dhanka maskaxda. Taas oo lafilayo in ay qaadandoonto moudo afar asbuuca. 

Go'aanka maxkamada ee la xiriirta cinqaabta lagu xumayo Mangs ayaa la filayaa in ay soo baxi-doonto asbuuca labaad ee bisha september. 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".