Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
Suuriya

Dadka Iswiidhan u dhashay ee jooga Suuriya

La daabacay tisdag 24 juli 2012 kl 11.20
Qiiq ka baxaya magaalada Homs Foto: Bambuser Homslive/Scanpix

Iswidhish tiradooda lagu qiyaasayo boqolaal ruux ayaa la sheegayaa in ay ku sugan yihiin imminka dalka Suuriya oo uu ka socda dagaal u dhaxeeya mucaadard hubeysan iyo dowlada Bashaar Al asad iyada oo dadkani aysan ka filan karin kaalmo badan wasaaradda arrimaha dibeda ee Iswiidhan haddii ay damcaan in ay ka soo tagaan Suuriya.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda ee Iswiidhan Claes Jernaeus ayaa sharaxaad ka bixiyay sababta ay u yar tahay in wasaaradda ay caawiso dadka Iswidhishka ah ee ku xaniban Suuriya isaga oo mid hore ku sheegay in ay yar yihiin duulimaadyada diyaaradaha ee ka soo baxaya Suuriya iyo in shaqaalaha safaaradda Iswiidhan ee magaalada Dimishiq dhaqdhaqaaqooda uu ku ekyahay Dimishiq oo aysan tegi karin meelo ka baxsan Dimishiq.

Inta saxa ah ee tirada Iswidhishka ku sugan Suuriya ayaa si rasmi ah loo ogeyn ama ay adagtahay in la ogaado hase yeeshee warbixintii ugu dambeysay ayaa sheegeysa in safaaradda Iswiidhan ee magaaladda Dimishiq ay ka diiwan gashnaayeen ilaa iyo 200 ruux waxuuna afhayeenka wasaaradda arrimaha dibeda uu sheegay in toddobaad gudihiisa ay wasaaradda soo saari doonto warbixin sax oo ku saabsan tirada dadka Iswidhishka ee jooga Suuriya.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".