Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
Bärplockare

Xaaladda Bulgaariyaanka miraha gura oo cirka ku shareertay

La daabacay tisdag 24 juli 2012 kl 12.04
Miraha la guro xilliga kuleylaha dalka Iswiidhan

Waxaa ka socda magaaladda Söderhamn ee gobolka Gävleborg shir ay wada leeyihiin safaaradda Bulgaariya ee ku taalla Iswiidhan, wakiilo ka socda degmooyin iyo boolis ka socda saddex degmo iyada oo ka qeyb galayaasha shirka ay rajeynayaan in xal laga gaaro dad miro gurato ah oo u dhashay dalka Bulgaariya oo ku silicsan Iswiidhan gaar ahaan deegaanka Mehedeby ee gobolka Uppland.

In badan oo ka mid ah Bulgaariyaanka dhibaateysan ayaa imminka doonaya in ay dib ugu laabtaan waddankooda ka dib markii xaalkooda uu noqoday si ka duwan sidii ay filayeen iyaga oo u muuqda in lagu soo siray shaqada miro gurista waxaana shirkani laga filayaa in uu ka soo baxo go'aan ah cida iyo sida loo caawin karo dadkaani Bulgaariyaanka iyada oo abaabul fiican la marayo.

Dhinaca kale dad gaaraya 100 Ruux ayaa mar qura ka soo muuqday degmo la yiraahdo Svabensverk oo ku taalla xadka deeganada kala qeybiya Hälsinland iyo Dalarna ee bariga Iswiidhan waxayna u sheegeen dadkani booliska iyo iyo tuulada degan in gaari weyn oo xamuul uu meesha keenay aysana garaneynin meel ay aadaan.

Dadka deegaanka ayaa iskood u caawinaya dadkani iyaga oo siinaya cunto waxayna xalay ku hoydeen kaniisada deegaanka Svabensverk.

Afhayeen isna u hadlay booliska gobolka Gävleborg lana yiraahdo Mikel Hedström ayaa sheegay in ka soo qabteen toban ruux oo hareera socda wada E4 ee agagaarka deegaanka Hagsta waxuuna afhayeenka sheegay in dadkaani ay doonayaan in ay ku laabtaan dalkooda balse ay u baahan yihiin in la caawiyo.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".