Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Midowga Yurub oo xayiraad ku soo rogay Suuriya

La daabacay tisdag 24 juli 2012 kl 15.32

Midowga Yurub ayaa cunoqabateyn ku soo rogay dalka Suuriya iyada oo wadamada xubnaha ka ah midowga ay sammeyn doonaan baaritaano lagu joojinayo shixnadaha hubka laga shakiyo ee u socda Suuriya.

Tallaabooyinka xayiraada ah ee midowga Yurub ku soo rogay Suuriya ayaa waxaa soo dhoweeyay mucaaradka Suuriya ee fadhigooda yahay dalka Iswiidhan.

Muhammad Khalifa oo ah isu duwaha kooxaha mucaaradka Suuriya ee Iswiidhan degan ayaa sheegay in ay muhiim tahay in xukuumada Suuriya ay dareento cadaadiska la saaro isaga oo sheega in kooxaha mucaaradka ay ogyihiin in ay jiraan dowlado hub siiya Suuriya.

Midowga Yurub ayaa sidoo kale xayiray dhaqaalaha 23 ruux oo ku dhow madaxweynaha dalka Suuriya Bashaar Assad iyo sidoo kale dhaqaalaha saddex shirkadood oo ay ku lug leeyihiin qoyska Bashaar Assad.

Xayiraadaha midowga Yurub ayaa yimid ka din markii maalintii shalay dowlada Suuriya ay sheegtay in hubka kiimikada ee ay heysato aysan u adeegsan doonin mucaaradka Suuriya basle ay u adeegsan doonto dulaan dibeda kaga yimaada hase yeeshee Muhammad Khalifa ayaa sheegay in hadalkaasi uu yahay mid dowlada Suuriya in uu yahay waabis ay kaga gaashaamaneyso in tallaabooyin militeri uu caalamka ka qaado mustaqbalka.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".