Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Dhibka ka jira ruqsada gaari wadista ee körkort

La daabacay tisdag 24 juli 2012 kl 16.50
Foto: Lolo Tode Palm/Sveriges Radio

Safka sugitaankaee loo galo imitixaanka gaari wadista ayaa u dhaadheer iyada oo xilliga hadda lagu jira ee xagaaga dad badan ay isku dayaan in ay qaataan oggolaasha gaari wadista hase yeeshee waqtiga sugida ee qofka in uu sammeyso imtixaanka ayaa dhibaato weyn ka taagnatahay imminka.

Dhaibaatada jirta ayaa ah in qofka soo mara imtixaanka aqoonta ee gaari wadista kuna soo guuelysta ayaa keliya waxuu heystaa labo bilood in uu ku maro mid gaari kaxeynta haddii labadaasi bil uu ku waayana waxaa ka dhacaya kii aqoonta oo ay tahay in mar kale uu soo sammeeyo.

Meelo badan oo dalka ayaa laga la'yahay boosas banaan oo qofka ku maro imtixaanka gaari wadista iyada oo halka ugu daran ay tahay magaaladda Malmö oo qofkii hadda dalbada imtixaanka gaari wadista waqtiga ugu soo sokeeya ee uu helayo ay tahay bisha sagaalaad ee siteembar.

Sanadkii 2008-ka ayuu xafiiska gaadiidka waxuu bedelay sharci horay u jiraa oo ahaa in qofka muddo sanad uusan ka dhaceyn imtixaanka baabuur wadista midka uu ku soo hor guuleysto iyada oo laga dhigay hadda labo bil keliya.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".