Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Carl Bildt oo lagu dhaliilay arrinka Suuriya

La daabacay onsdag 25 juli 2012 kl 09.51
Afhayeenada xisbiga Bay'ada Åsa Romson oo dhaleeceneysa wasiirka arrimaha diebda Carl Bildt. Foto: Scanpix

Xisbiyo dhowr ah ayaa dhaliil u jeediyay dowlada gaar ahaan wasiirkeeda arrimaha dibeda Carl Bildt iyada oo wasiirka lagu dhaliilay arrin ku sabaasan cuno qabateynta midowga yurub ee ka dhanka ah dalka Suuriya gaar ahaan xagga isgaarsiinta tilifoonada.

Iswiidhan ayaa la sheegayaa in ay joojisay in cuno qabateyn xagga isgaarsiinta tilifoonada ah lala beegsado dalka Suuriya hase yeeshee afhayeenada xisbiga bay’ada Åsa Romson ayaa ku doodeysa in dowlada Bashaar Assad ay u adeegsato isgaarsiinta cadaadiska ay ku heyso xoogaga mucaaradka ee ka soo horjeeda taladiisa iyada oo afhayeenada sheegtay in ay tahay wax laga xumaado in dowlada Iswiidhan door muuqda ka ciyaarto midowga yurub dhexdiisa in la joojiyo cuna qabateenada ceykaasi ah oo lala beegsado Suuriya.

Waxaa soo shaac baxday in dowlada Iswiidhan ay ka hor timid qaboobahii la soo dhaafay midowga yurub dhexdiisa mar laga doodayay cuno qabateyno ka dhan Suuriya oo ay ugu horreysay xagga isgaarsiinta sida ay ku warantay wakaalada wararka ee Reuters.

Ma ahan xisbiga bay’ada keliya waxa dhaleeceeyay Carl Bildt ee waxaa sidoo kale dhaliilay Carl xisbiga dhexe ee Centrepartiet.

Kerstin Lundgren oo ka tirsan guddiga arrimaha dibeda ee baarlamanka kana mid ah xisbiga Centerpartiet ayaa sheegtay aragtida xisbiga ay tahay in Iswiidhan wax dan ah ugu jirin in ay joojiso cuno qabateyntaasi waayo bay tiri waxaa iska cad in dowlada Suuriya ay u adeegsaneyso is gaarsiinta in ay ku basaasto kooxha mucaaraadka.

Wasiirka arrimaha dibeda Carl Bildt ayay la tahay in ay muhiimad badan leedahay in dadka Suuriya ay wada xiriiraan oo ay adeegsanadaan isgaarsiinta isaga oo sheegay in haddii cuno qabateen xagga isgaarsiinta ah la saaro dalkaasi in dhabaatada ay sii badan doonto.

Carl Bildt ayaa sheegay in 75 boqolkiiba shacabka Suuriya ay isticmaalaan tilifoonada gacanta ayna sheegaan in tilifoonada gacanta ay aad muhiim u yihiin sida iyaga oo qaraabadooda kula xiriira waxuuna sheegay in ay isaga uu rumeysan yahay in cidna aysan dan ugu jirin in la damiyo isgaarsiinta Suuriya.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".