Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
Bärplockarna

Safiirka Bulgaariya oo maanta la balansan wasaaradda arrimaha dibeda

La daabacay onsdag 25 juli 2012 kl 10.30
Safiirka Bulgaariya u fadhiya Iswiidhan Svetlan Stoev oo la kulmaya dadka miraha gura Foto: Pernilla Wahlman/Scanpix

Safiirka Bulgaariya u fadhiya Iswiidhan Svetlan Stoev oo maanta la ballansan wasaaradda arrimaha dibeda ee Iswiidhan  ayaa niyad xumo ka muujiyay sida ay degmooyinka Iswiidhan ay ugu soo dirayaan dadka miraha gura ee ku silicsan Iswiidhan xarunta safaaradda Bulgaariya ee Stockholm.

Safiirka ayaa ku andacoonaya in uusan xal aheyn in dadka la iska soo diro isaga oo sheegay in ay haboontahay in marka hore iayag la soo wargeliyo isaga oo oo sheegay in wax micna ah aysan sammeyneenin in dhibaato laga soo xawilo meel oo meel kale loo soo xawilo.

Sida uu sheegay safiirka waxaa hadda hor tuban safaarada Bulgaariya horteeda ilaa iyo 63 ruux oo Bulgaariyaan ah oo gebigoodaba u baahan in laga gacan siiyo sidii ay ugu laaban lahaayeen dalkooda.

Safiirka ayaa sheegay in ay kaalmo ka codsadeen hayada bulshada Iswiidhan balse aysan ogeyn waxa ay ku sammeyn karaa dadka oo dhan.

Dadkan Bulgaariyaanka ayaa waxaa lagu soo qimaayeeyay in ay lacag fara badan ka helayaan miro laga guro Iswiidhan xilliga xagaaga balse rajada ay lahaayeen ayaa baaba'day iyada oo xilligan miro wanaagsan aysan ka bixin Iswiidhan waxaana shalay degmada Söderhamn ka dhacay kulan loogu arrinsanayay wax ka qabashada dhibkan heysta Bulgaariyaanka iyada oo safiirka Bulgaariya oo shalay shirkaasi ka qeyb galay uu ku tilmaamay in uu ahaa mid si fiican wax la isugu sheegay.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".