Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
Miljö

Deeegaano badan oo wasaqeysan bay'ad ahaan

La daabacay onsdag 25 juli 2012 kl 11.21
Wershad hore oo ku taalla Alvesta ayaa ka mid ah goobaha wasaqoobay. File photo: Simon Campanello / P3 Nyheter

Waxaa jira goobo badan oo ku yaalla dalka Iswiidhan oo wasaqeysan deegaan ahaan ama walxa sun ah ay gaareen iyada oo dhinaca kalana lagu waramayo in aysan jirin lacag ku filan oo lagu nadiifiyo meelahan la sheegayo.

Waxaa jirta cabsi ah in meelahan laga hadlaya in ay sii saameeyaan goobo kale oo deegaan hase yeeshee wasaarada bay'ada ayaa qorsheyneysa in lacag badan ay u qoondeyso nadiifinta meelaha laga hadlayo.

Waxaa jira ilaa iyo 1300 oo meelood oo waddanka ka mid oo ay dowlada dooneyso in la nadiifiyo ilaa iyo sanadka 2050.

Warbixin dhowaatan ka soo baxday hayada dhowrita deegaanka ayaa lagu sheegay in haddii lacag dheeri ah aan la helin in aan la nadiifin karin xitaa sadex meelood hal meel goobaha wasaqeysan deegaan ahaanta xitaa tobanaan sano ee soo socda.

Sanadkii la soo dhaafay dowlada ayaa hoos u dhigtay miisaaniyada nadaafada ee deeganada balse wasiirada deegaanka Lena Ek ayaa imminka dooneysa in ku dhowaad 250 milyan in sanadkii loo qoondeeyo nadiifinta deeganada la hadlayo.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".