Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
Farlig flygplats

Garoonka labaad ee magaaladda Göteborg oo la dhaliilay

La daabacay onsdag 25 juli 2012 kl 12.48
Foto: Flygare Palmnäs/Göteborg City Airport

Warbixin uu soo saaray midowga Yurub ayaa lagu sheegay in qaladaad xagga ammaanka ee howlaha caadiga ah in ay ka jiraan garoonka magaaladda Göteborg ee Göteborg City airport ama Säve iyada oo liiska laga soo saaray habka shaqada garoonkaasi ay ka mid tahay in ay jirto halis ah in ay isku dhacaan gawaarida iyo diyaaradaha isticmaala garoonkaasi.

Baaritaan iyadu u gaar ah oo sammeysay hay'ada gaadiidka ee Iswiidhan bishii febraayo ayaa iyana lagu sheegay isla dhaliilaha warbixinta midowga Yurub uu u soo jeediyay isla garoonka magaaladda Göteborg.

Garoonka ayaa loo soo jeediyay qaraar ku talinaya in wax laga qabto dhaliilaha loo soo jeediyay ka hor bisha siteembar iyada oo xilligaasi ka dib hay'ada gaadiidka ay ku sammeyn doonto kormeer cusub.

Daraasada midowga Yurub ayaa sidoo kale baaritaano ku sammeeysay garoomada kala ah Landvetter, Arlanda iyo Malmö iyada oo garoonka Säve keliya uu noqday midka la dhaliilay.

Daraasada midowga Yurub ayaa soo baxda shantii sano mar.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".