Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Miro gurayaasha Bulgaariya oo xal loo helay

La daabacay onsdag 25 juli 2012 kl 14.43
Bulgaariyaan miro ka guranaya meel u dhow tuulada Mehedeby. Foto: Pontus Lundahl / Scanpix

Dad u dhashay dalka Bulgaariya oo ku xayirnaa kuna dhibaateysnaa cishooyinka dalka Iswiidhan ayaa waxaa loo balan qaaday in dalkooda dib loogu celin doono iyada oo lagu qaadayo basas.

Dadka oo markoodii hore Iswiidhan u yimid in ay gurtaan miraha soo baxa xilliga xagaaga ayaa waxaa imminka la shaaciyay in dowlada Bulgaariya ay bixin doonto qarashka basaska qaadaya dadkani.

Hadalkan ayaa waxaa goor dhow sheegtay Brita Mohlin oo ka tirsan maamulka magaaladda Stockholm  iyada oo Brita sheegtay in hadalkan ay aad ugu faraxsantahay maadaama markii hore xaalada ay cakirneed.

Danjiraha Bulgaariya u fadhiya Iswiidhan  Svetlan Stoev ayaa isna dhankiisa xaqiijiyay in dowlada Bulgaariya ay bixin doonto qarashka basaska ee lagu qaadayo muwaadiniinta dalkiisa ee ku xayirnaa Iswiidhan.

 Safiirka ayaa sheegay in ay ku howlan yihiin sidii dadka loogu celin lahaa Bulgaariya balse ay u baahan yihiin in ay helaan basas isaga oo sheegay haddii ay helaan tiro bas ah in ay qaadi doono guud ahaan Bulgaariyaanka ku xayiran Iswiidhan isaga oo ugu baaqay cid walba oo bas leh in ay la soo xiriirto safaaradda si loogala heshiiyo daabulida dadkan.

 Waxuu sidoo kale ku booriyay degmooyinka Iswiidhan ee ay ku xayiran yihiin Bulgaariyaanka in aysan si iskooda ugu soo daadgureen dadkaasi safaarada Bulgaariya ee Stockholm balse taasi bedelkeeda ay la soo xiriiraan safaaradda si loo wada hadlo.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".