Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Zlatan oo rajo wanaagsan ka muujiyay kooxda uu ku biiray ee PSG

La daabacay onsdag 25 juli 2012 kl 16.37
Foto: Paris Saint-Germain

Zlatan Ibrahimovic oo habeenkii xalay gaaray dalka Mareykanka si uu ula jaan qaado ciyaarayahanada naadiga Paris Saint-Germain ee dhowaantan uu ku biiray ayaa sheegay in xaalada naadiga ay wanaagsantahay.

Zlatan Ibrahimovic oo habeenkii xalay gaaray dalka Mareykanka si uu ula jaan qaado ciyaarayahanada naadiga Paris Saint-Germain ee dhowaantan uu ku biiray ayaa sheegay in xaalada naadiga ay wanaagsantahay.

Ibrahimovic ayaa jeediyay hadalkan ka dib markii tababarkii ugu horreeyay uu la sammeeyay ciyaaryahanada PSG iyada oo kooxdan faransiiska ee uu ku biiray xidiga Iswiidhan ay ciyaar la yeelan doonaan naadiga mareyakanka ee DC United sida uu soo qoray wargeyska ka faallooda ciyaaraha kubada cagta ee L'Equipe  ee ka soo baxa dalka Fransiiska.

Zalatan ayaa sheegay in uu daalanyahay balse naadiga PSG uu dareemayo in ay yihiin koox fiican waxuuna sheegay in si tartiib tartiib ah uu u qaadan doono tababarka maadaama hadda lagu guda diyaargarowga ka hor xilli ciyaareedka soo socda isaga oo sheegay in ciyaaryahanka laga doonayo in is diyaariyo jir ahaan iyo maskax ahaan intaba.

Weeraryahanka Iswiidhan ayaa ka soo wareegay kooxda AC Milan ee dalka Talayaaniga isagoona qaran Iswiidhan uu u saftay ciyaarihii Qaramada Yurub ee xagaagan sida wadajirka ah ay u martigeliyeen dalaka Poland iyo Ukraine.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".