Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Waxbarashada Komxux oo go'aan laga soo saaray

La daabacay torsdag 26 juli 2012 kl 13.15
Nyamko Sabuni. Foto: Johanna Sjöqvist/Sveriges Radio.

Dowlada Iswiidhan ayaa maanta go'aamisay in degmooyinka ay wax ka bedelaan hanaanka waxbarashada dadka waaweyn ee la yiraahdo Komvux ka dib markii in badan oo ka mid ah dadka doonaya in ay rogaal celin ku sammeeyaan waxabarashada dugsiga ay dhacdo in loo qiimeyn waayo waxbarashadoodii hore.

Nyamko Sabuni oo ah ku xigeynka wasiirka waxbarashada ayaa sheegtay in aan loo baahneen in dadka waqtiga loogu dhumiyo waxabarasho ay hore u soo qaateen

``Waxyaabo badan oo dadka lagu qasbayo in ay mar kale ay bartaan ayaa ah ah waxyaabo hore ay u soo barteen marka ma ahan in aan u adeegsano lacagta cashuuraha arrintaasi sidoo kalana ma ahan in aan dadka sidaasi ugu lumino waqtigooda, ayay tiri Nyamko Sabuni mar ay ka hadashay go'aankan cusub ee waxbarashada dadka waaweyn

Degmooyinka ayaa laga doonayaa in ay sammeeyaan qorshe waxbarasho oo shaqsi ah ayna ogaadaan waxyaabaha qofka uu hore u yaqaanay iyo wax yaabaha ka maqan ee ay tahay in uu barto taasi oo suuragelineysa in aysan dhicin cid iska fadhida oo baranaysa wax uu hore u yaqaanay ama uu u soo bartay.

Waxaa jira dad fara badan oo Iswiidhan kaga yimid dibedda kuwaasi oo dalalkooda waxabarasho ku soo qaatay balse aan loo qiimeyn waxabarashadoodii hore iyada oo taasi ay keeneyso in ay fariistaan iskuulada dadka waaweyn ee Komvux.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".