Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
SCB arbetslöshet

Warbixn laga soo saaray heerka shaqo la'aanta

La daabacay torsdag 26 juli 2012 kl 14.18
"Waxaan doonayaa in aan shaqeeyo hadda", ayaa ku qoran darbiga oo ku yaala Malmö. Arkivfoto: Fritz Schibli/Scanpix.

Xafiiska hay'ada tirakoobka ayaa soo saaray tiro cusub oo ah dadka shaqo la'aanta ah ee Iswiidhan ku nool iyada oo warbixinta ay daaha ka rogtay in dadka ku dhow nus milyan ruux ay shaqo la'aan ku yihiin Iswiidhan.

Warbixintan cusub ee ka hadleysa shaqo la'aanta ka jirta Iswiidhan ayaa sheegeysa in bishii Juun ee sanadkan dad gaaraya 465 000 oo qof , oo micnaheedu yahay 8,8 boqolkiiba awooda shaqada dalka.

Xilligan oo kale ee sanadkii la soo dhaafay tirada dadka ee shaqo la'aanta ayaa ahaa 458 000.

Tirada dadka shaqeeya ee bishii Juun ayaa iyana aheyd 4 802 000r, iyada oo isla bisha Juun ee sanadkii hore ay aheyd 4 754 000.

Xagga dhalinyarada da'da u dhaxeysa 15-24 sano waxaa shaqo la'aan ahaa 229 000 oo qof oo u dhiganta 28,3 procent.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".