Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
OS

Therese Alshammar oo khatar ugu jirta in ay ka baaqato Olombikada

La daabacay torsdag 26 juli 2012 kl 15.45
Guldjubel från VM 2011 på 50 meter fritt. Foto: Maja Suslin/Scanpix.

Gabadha ah xidigta dabaasha ee dalkan Sweden Therese Alshammar ayaa qatar ugu jirta in ay ka baaqato bilowga ciyaaraha Olymbikada kadib markii ay qoorta xanuuntay oo uu xidid mara qoorta meel qaloocan galay.

Alshammar ayaa lagu waday in ay ku qabato shir saxaafadeed halka ay Olymbikado ka dhacayso maanlintii khamiista balse shir saxaafadeedkeeda ayay baajisay xanuunka haya dartiisa.

Si kastaba ha ahaatee waxaa rajo laga qabaa in ay Therese ka qayb gasho tartanka sida uu sheegay dhaqtarka teamka Sweden.

Waxa lagu waramayaa in xulitaanka team-ka Iswiidhan la shaacin doono maalinta sabtida.

Therese ayaa weli ku jirta liiska ciyaaryahanada Iswiidhan ugu qeyb galaya Olombikada London mar dhaqtarka kooxda Iswiidhan la waydiiyey in xanuunka qoorta ka haya ay  la dabaalan karto Therese ayaa waxa uu  sheegay in xanuunku uusan wax dhib ah laheen balse hadii xidid xanuunka sii hayo ay tahay mid dhibkeeda yeelan karta.

Therese ayaa ka mid ciyaaryahanada xambaarsan rajooyinka ugu weyn ee Iswiidhan ka leedahay ciyaaryaha Olombikada waa haddii ay ka qeyb gasho dabaasha xorta ah ee 50 mitir iyo mida boqolka mitir inkastoo Threse Alshammar aysan weli ku guuleysan bilad dahabka ee ciyaaraha Olombikada.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".