Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
Jas Gripen

Qarashka ku kacaya nooc casri oo ah diyaarada Jas Gripen oo aad u badan

La daabacay fredag 27 juli 2012 kl 10.03
Utvecklingen av nya Jas Gripen kommer kosta mycket pengar för Försvarsmakten. Foto: Johan Nilsson / Scanpix

Wasaarada gaashaandhiga ee Iswiidhan ayay tahay in ay uruursato oo ay ugu talagasho miisaaniyad balaayiin ah haddii ay dooneyso in ay sammeysto nooc cusub oo ah diyaaradaha dagaalka ee Jas-Gripen oo aad casri u ah sida ay ku warmaeyso wakaaada wararka ee Ekot.

Maalinta Isniinta ayay wasaarada difaaca waxay u gudbin doontaa dowlada qorshayaal ka hadlaya sida loo yareynayo lacagaha ku baxa hubabka kale ee wasaarada u baahntahay si loo helo miisaaniyada la doonayo in lagu sammeeyo noocan cusub ee diyaaradaha dagaalka ee Jas-Gripen.

Janaraal Jan Salestrand oo ka hadlay qorshan sammeynta diyaaradaha Jas Gripen ee nooca casriga ayaa ka gaabsaday in uu wax badan ka sheego hase yeeshee waxuu qeexay sida xaalka uu u adagyahay.

Jananka ayaa sheegay in loo baahanyahay in wasaaradda gaashaandiga ay la jaan qaado hanaanka diyaaradaha dagaalka adduunka ee sanadaha 2020 iyo 2030 maadaama caalamka uu sii horumaraayo waxuuna dhinaca kale uu sheegay miltari ahaan in aragtidooda tahay in aan sidaasi lagu sammeyn karin sicir kasta.

Bishii Maarso ee sanadkan ayay wasaarada ayaa garab istaagtay qorshe maalgelin oo lagu sammeynayo nooca cusub ee diyaarada Ja Gripen oo loogu magac daray E/F ama Super Jas hase yeeshee sida ay ku warameyso wakaaladda wararka ee Ekot wasaarada difaaca iyo dowlada ayaa ka helay shirkadda Saab qiimeyn ah waxa ay ku kacayaan sammeynta diyaaradaha cusub iyada oo qiimeynta ay soo gudbisay Saab ay ka badan tahay cadadka lacageed ee hore loo filayay.

Sida ay ku warameyso Ekot diyaaradaha cusub ayaa waxaa ku kacaya lacag gaareysa 32-33 milyaardi iyada oo ay dhici karto xitaa in ay intaasi ka sii badato.

Waxaa ay u baahaneysa go'aan siyaasadeed haddii lacagta ay dheeri ah loo baahdo si loo sammeyso diyaaradaha cusub ee dagaalka ayay tiri wasaarada gaashaandhiga iyada oo deyrta soo socota dowlada soo gudbin doonto sida ay damacsantahay in ay ku maalgeliso qorshaha sammeynta diyaaradahan cusub.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".