Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
OS

Olymbikada oo caawa ka furmaysa London

La daabacay fredag 27 juli 2012 kl 10.35
Madaxa guddiga Olombikada Iswiidhan Stefan Lindeberg oo ka qeyb galaya xaflad caleemo saar oo London. ka dhaceysa Foto: Maja Suslin/Scanpix.

Waxaa caawa ka furmaya magaaladda London ee dalka Ingiriiska ciyaaraha Olombikada iyada oo dhinaca kale ay dhaawacanyihiin in badan oo ka mid ah ciyaaryahanada Iswiidhan ugu qeyb galayo tartanka iyada oo ciyaryahanka ugu dambeeyay ee dhaawacma ay tahay xiddigta xagga dabaasha Therese Alshammar.

Hase yeeshee guddiga Olombikada ee Iswiidhan ayaa rajeynaya in ugu yaraan Iswiidhan ay kala soo hoyan doonto ciyaaraha Olombikada lix biladood sida uu sheegay madaxa Olombikada Stefan Lindeberg.

Stefan Linderberg ayaa rajeynaya in ciyaarayahanada Iswiidhan kaga qeyb galaya tartamada kala duwan ee Olombikda in uu ka filayo in ay ku guuleystaan bilado ka badan inta ay Iswiidhan ku soo guuleysatay ciyaarahii Olombikada ee ay martigelisay magaaladda Bakiin ee dalka Shiinaha.

Madaxa Olombikada oo wareysi siiyay raadiyaha sportiga ayaa ka gaabsaday in uu far muuqo ciyaaryahano gaar ah oo filayo in ay bilado ku guuleysan karaa balse waxuu sheegay in ay jiraan labaatameeyo ciyaaryahan oo leh ififaalo ay ku guuleysan karaan bilado.

Dhinaca kale gudiiga Olombikada ayaa go'aamiyay in ciyaaryahanka ku tartama fardaha booda Rolf Göran Bengtsson in uu horkaco ciyaartooda Iswiidhan ugu qeyb galeyso Olombikada isaga oo qaadaya calanka Iswiidhan xaflada furitaanka.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".