Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Talaalka ka hortaga xasaasiyada oo la ammaanay

La daabacay fredag 27 juli 2012 kl 13.25
Qof sanka ka heysta suufka geedaha ka soo daata ee xasaasiyada wata Foto: Jessica Gow/Scanpix

Sida la shaaciyay waxaa aad u wanaagsan in la qaato ama la isku duro talaalka ka hortaga xasaasiyada, halkii qofka uu qaadan lahaa dawooyinka xasaasiyada ee aan u baahneyn in dhaqtar uu soo qoro iyada oo cirbida ka hortaga xasaasiyada la shegayo in qofkii qaata uu helo difaac badan oo ka dhan xasaasiyada.

Ulf Brändström oo ka tirsan ururka xasaasiyada iyo neefta ayaa sheegay in talaalka xasaasiyada uu wax qabad fiican leeyahay.

Waxaa aad u kordhay dadaka iyagu ka iibsada farmasiga dawooyinka xasaasiga ee dhaqtar la'aanta la gadan karo balse talaalka ayaa la sheegayaa in uu yahay mid si aad ugu waxtar badan.

Waxaa jirta in dadka ku nool gobolada dalka ay ku kala horreeyaan qaadashada talaalka waxaana la sheegayaa in gobolka Halland uu yahay midka ugu wanaagsan ee ay dadkiisa iska talalaaleen xasaasiyada iyada oo afar ka mid ah 1000 qof ee qaba xasaasiyad ee gobolkaasi ku nool uu qaato talaalka sanadkii.

Gobolada ugu hooseeya ayaa ah Jönköping, Västernorrland, Norrbotten iyo Östergötland iyada oo goboladan mid keliya oo ah 1 000 qof ee xasaasiyad qaba uu is talaalo sanadkii.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".