Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Turjumayaal Afkhaniyiin ah oo dalbadey magangelyo

La daabacay måndag 30 juli 2012 kl 10.33
Svenska soldater i norra Afghanstan. Foto: Mustafa Najafizada/Scanpix.

24 Afkhaniyiin turjumaayaal u ahaa ciidanka Iswedhen ee ku sugan Mazar-e-shariif ayaa ka dalbaday magangelyo dalka Iswedhen. Turjumayaasha ayaa ka cabsi qaba in Talibaanku dilaaan marka ciidanka Isaf ee ku sugan halkaas la yareeyo sannadka 2014.

Afkhaniyiinta ayaa dalabkooda magangelyo u gubiyey safaarada Iswdhen ku dhexleedahay sal-dhiga ciidanka Iswedhen ee Mazar-e-sharif, taas oo ku sheegeen in hadii laga tago ay la kulmi doonaan xasuuq.

- Dhaqdhaqaaqa Talibaan maalinba maalinta ka danbeyso way ku soo badanayaan Mazar-e-shariif, hadii Isaf ay halkaan ka tagto waxaa hubaal ah in nala laynayo, ayey yiraahdeen

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".