Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Olale dhallinyarada loogu soo jiidayo shaqooyinka guud

La daabacay tisdag 31 juli 2012 kl 11.04
Nyblivna förskollärarstudenter Ariel Padilla och Jonas Rydholm på Stockholms universitet Foto: Anna Eriksson/Sveriges Radio

Ururka gobalada iyo degmooyinka Sweden SKL ayaa bilaabay olale lagu soo jiidayo sidii dhallinyarada ugu shaqayn lahaayeen laamaha howlaha guud halkaas oo looga baahanyahay ugu yaraan 420 000 oo shaqaale ah ilaa iyo sannadka 2019.

 Waxa si weyn loogu baahi qabaa dhalliyarta haysta tacliinta jamacaded sida kalkaaliyaasha caafimaadka, macallimiinta iyo weliba ingineerada iyo dhaqaalo yahanada, balse dhallinyarta haysta tacliiinta sare ayaa xiisaynaynin shaqada howlaha guud.

Baaritaan ay samaysay jaamacada Linköping Universitet ayaa muujinaya in qayb yar dhallinyarada akademigaa rabaan in ay ka howl-galaan laamaha howlaha guud.

Olalaha SKL ee ay ku soo jeedanayaan dhallinyarada ayaa socon doona mudo afar sanno ah ayadoo la adeegsanayo waygeysyo iyo film ay ururka sameeyey. SKL ayaa qabta in loo baahanyahay in dhallinyarada laga gado shaqada howlaha guud.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".