Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Raacida Gadiidka Dadweynaha oo Qaali Noqday

La daabacay onsdag 1 augusti 2012 kl 09.38
Foto: Mia Storm Komonen/Sveriges Radio

Inkastoo waxbadan laga digay saameynta ay baabuur raacida badan ku leedahay bay'ada laguna taliyey in la yareeyo baabuurta badan hadana waxaa qaaliyoobay qaymaha lagu raaco gaadiidka dadweynaha. Bilyeetiga 30-maalmoodka ah ayaa qiimahiiso kor u kacay boqolkii 43 tobankii sanno ee ugu danbeeyey, sidaas waxaa muujinaya baaritaan ay laant warka ee Ekot samaysay.

Isla tobankii sanno ee ugu danbeeyey waxaa boqolkii 13 kor u kacay sicirka nolol maalmeedka. Kororka ku yemid qaymaha lagu raaco gaadiidka dad weynaha ayaa wax badan ka badan sicirka guud.

Gobolka ay tobankii sanno ee ugu danbeeyey saa'id u kordhay kaarka lagu raaco gaadiidka dadweyna ayaa ah Blekinge.

Laakiin Ururka difaacida bay'ada Naturskyddsföreningen waxa uu aad u dhaleecaysanyahay qaymo kordhinta gaadiidka dadweynaha waxayna qabaan in ay saa'idinayso gaari raacida oo ayna saamayn ku yeelan doonto bay'ada.

- Waxaynu ku jirnaa xili aynu dib u habayn iyo isbadelsamayn aynu ku jirno oo ay tahay in aynu yarayno baabuurta badan iyo sunta shidaalka qadiimigaa. Gaadiidka guud iyo wadooyinka baaskiilada ayaana aas aasi u ah sidayno arintaan uga miro dhalinayno. Marka qaymo kordhinta waxay gabi ahaanba ka hor imaanaysaa hadafka arintaan looga miro dhalinayo.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".