Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Kumaankun Macallimiin ah oo loo Baahanyahay

La daabacay onsdag 1 augusti 2012 kl 10.30
Foto: Janerik Henriksson/Scanpix.

Iswedhen waxaa looga baahanyahay ku dhawaad 100.000 macallimiin ah sannooyinkaan soo socda, sidaas waxaa muujinaya tirkob ay soo bandhigtay ururka Sveriges kommuner och Landsting. Si looga hortago xaalad adag waxaa lo baahanyahay in la kordhiyo mushaaradka macallimiinta, saas waxaa qaba ururka macallimiinta Lärarförbundet.

- Waxaa nagu soo fooleh xaalad adag oo dhanka macallimiinta ah, ayey tiri Eva –Lis Sirén oo ah gudoomiyaha Lärarförbundet.

Baahida loo qabo macallimiin cusob ayaa baahaysa sannadyada soo socda madaama ay macallimiin badan galayaan xiligii howl-gabnimada. Waxaase baahida sii badinaya caruurta dalka oo badatay.

Xisaabin uu sameeyey ururka Sveriges Radio Kommuner och landsting, SKL ayaa muujinaysa in sannadkii 2010 ilaa sannadka 2019 loo baahanayo macallimiin cusob oo dhan 109 000. Macallimiinta sida weyn loogu baahi badanyahay ayaa ah macallimiinta dugsiga xanaanada iyo weliba kuwa dugsiga sare oo dhiga maadooyinka matematik iyo teknik.

 Laakiin lärarförbundat ayaa aaminsan in ay adkaan doonta in la helo macallimiin intaas dhan ee loo baahanyahay.

- Waxaan u jeedaa dhib ka imaan doona helida macallimiinta maadooyinka qaar sida macallimiinta dhiga culuunta dabiiciga ah iyo maadooyinka farsamda ee dugsiga sare. Dhib ayaa ka jiri doona sidii loogu buuxin lahaa boosaska shaqo ee bananaada macallimiin haysta tacliin sax ah, ayey Metta Fjelkner oo ah gudoomiyaha iskutaga guud ee ururada macallimiinta (Läraranas riksförbund).

Lakiin Eva-Lis Sirén, gudoomiyaha lärarförbundet ayaa ayado ka degaysa xaalad cakiran oo soo socota.

- Waxaa maqnaan doonta 43 000 oo macallimiin ah sideeda sanno ee soo socota. Hadii si kale loo dhaho waxaa nago soo fool leh xaalad adag ee macallinimo.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".