Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Is Casilaada Kofi Annan

La daabacay fredag 3 augusti 2012 kl 10.36
Kofi Annan oo xilkii wakiilnimada Suuriya iska casilay.Foto: Martial Trezzini/Scanpix.

Shalay waxaa xilkiisa in uu iska casilayo markay dhamaato bishaan augusti ku dhawaaqay wakiilka Qaramada Midoobay iyo ururka Jaamacada Carabta ee Suuriya Kofi Annan.Waxa uuna ku micneeyey is casilaadiisa in aysan suurtagal ahayn in laga dhadhiciyo dowladda Suuriya iyo mocaaradka in ay xabada joogiyaan oo hirgaliyaan hanaan siyaasadeed oo xal looga gaarayo mushkilada ka taagan dalkaas.

 Waxuuna sidoo  kale Kofi Annan dhaleeceyey kala qaybsanaanta ka jirta gulaha amniga Qaramada Midoobay oo uu ku tilmaameyn in ay caqabad ku noqotay fulinta howla loo xil-saaray

Wasiirka arimaha dibada Sweden Carl bildt oo ka hadlayey is casilaada Kofi Annan, ayaa sheegay qofkasta oo loo dhiibo xilka uu Kofi Annan baneeyey in uusan xal keenayninta inta golaha amniga uu kala qaysanyhay.

- Inta uu golaha amniga kala qaysanyahay waxba ma suurtagalayaan, Kofi Annan waxa uu isku deyey in uu mideeyo golaha amniga iyo dhamaan inta danaynaysa arimaha Suuriya, mar ayuu ku guulaystay balse markii danbe way buurtay. Hadii xal -la rabo in arimaha suuriya laga gaaro waa in la mideeyaa golaha amniga, ayuu yeri Carl bildt oo ah wasiirka arimaha dibada ee Sweden kana tirsan xisbiga Moderadka.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".