Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Safiirkii Iswiidhan ee Belaruus oo la soo eryay

La daabacay fredag 3 augusti 2012 kl 16.27
Wasiirka arrimaha dibeda Iswiidhan Carl Bildt iyo madaxweynaha Belaruus Alexander Lukasjenko. Foto: Scanpix

Safiirka Iswiidhan u fadhiyay dalka Belaruus ayaa laga soo eryay dalkaasi, saida uu sheegay wasiirka arrimaha dalka Carl Bildt. Wasiirka arrimaha dibeda ee Iswiidhan Carl Bildt ayaa sheegay in cabashada ay dowlada Belaruus ay ka sheeganeyso safiirka Iswiidhan in ay yihiin kuwa aan la laheyn sal raad toona.

Cabashada loo heysto safiirka Iswiidhan ayaa la xiriirta in safiirka xiriiro la leeyahay kooxha mucaaradka dalkaasi Belaruus iyada oo wasiirka arrimaha dibeda taasi aysan ula muuqan wax lala yaabo iyada oo cabooshooyinka ka soo yeeray Belaruus uu ugu yeeray wax lagu qoslo.

Bildt ayaa dhankiisa sheegay in safiir cusub oo dalka Belaruus u soo magacaabayo Iswiidhan in isna iyana ay diiday oo uusan imaan karin halkan maadaama safiirka Iswiidhan laga soo eryay dalkaasi. Waxaa intaasi dheer in Iswiidhan ay ceyrin doonto labo kale oo ka mid ah dibolomaasiyiinta Belaruus ee jooga Iswiidhan.

Hab dhaqanka Belaruus ayuu Carl Bildt waxuu ku micneeyay mid muuqda oo muujinaya in dowlada ka talisa Belaruus in ay tahay min aan la saadaalin karin.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".