Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
Dab ka kacay nawaaxiga Kronåsen ee Sollentuna. Daaqadaha iyo albaabada in la xirto ayaa la is fareyaa.
OS

Iswiidhan oo ku guuleysatay biladii ugu horreysay oo dahab ah.

La daabacay måndag 6 augusti 2012 kl 10.49
Lööf iyo Salminen oo ka hormaraya kuwa Ingiriiska. Photo: Scanpix

Tartamayaasha xagga doomaha shiraacda ee Fredrik Lööf iyo Max Salminen ayaa Axadii shalay ku guuleystay tartanka doomaha shiraaca leh ee ragga oo qeyb ah tartamada ciyaaraha Olombikada ee ka socda magaalada London ee dalka Ingiriiska.

Labadan tartame ayaa shalay markii hore kaalintii saddexaaad kaga jiray tirinta guud balse markii dambe ayay la soo baxeyn dar dar xoog badan oo ay ku dhaafeen labadii kooxood ee ka koreeyay ee kala ahaa Brazil iyo Britain iyaga oo sidaasina ku hantiyay bilada dahabka.

Biladan ayaa ah tii ugu horreeysay ee dahab ah ee ay ku guuleysato Iswiidhan tan iyo markii ay furmeen ciyaaraha Olombikada ee London 2012.

Markii hore waan ogeyn in aan heysanay fursad balse waa ay yareed ,ayuu yiri kaaliyaha tababaraha doomaha shiraacda Iswiidhan Thomas Rahm oo la hadlay telifishinka qaranka Iswiidhan ee SVT.

Iswiidhan ayaa mar walba ku guuleysatay bilado doomaha shiraacda shan ciyaar ee Olombik ee u dambeysay.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".