Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Dooli ku soo badanaya magaalooyinka waaweyn.

La daabacay måndag 6 augusti 2012 kl 11.23
Dooliga oo ku soo badanaya Iswiidhan. Foto: Maja Suslin/Scanpix

Dhibaatada jiirka ama dooliga ayaa caadi ku soo badaneysaIswiidhan. Shirkada xakameynta cayayaanka ee Anticimex ayaa waxay tira gaareysa 18 000 jeer qabatay howlo ay ku xakameeneysay wax yeelada jiirka iyada oo dhibaatooyinka ugu waaweyn ee wax yeelada jiirka ay ka taagan tahay magaalooyinka waaweyn ee dalka.

Gobolka  Stockholm ayaa heerka uu soo batay jiirka waxay gaareysaa 79 boqolkiiba hase yeeshee shirkada xakameynta cayayaanka ee Anticimex ayaa garaneynin waxa sare u soo qaaday tirada jiirka hase yeeshee jiirka ama dooliga ayaa inta badan ka yimaada habka tubooyinka wasaqda ee dhulka hoostooda mara.

Shirkadda Anticimex ayaa sheegtay holwha la dagaalanka jiirka ee ay ka qabatay dalka oo dhan kala bar in ay ka qabatay caasimadda Stockholm iyada oo shirkada ku sheegtay in Stockholm keliya ay ka fulisay howlo gaaraya 5 424 howl galo lagu nadiifinayay jiirka.

Waxaa sidoo kale la sheegayaa in jiirka uu ku tarmo qashinka meelaha banaan loogu tago sida goobaha jirdiinka ee dadku ku nastaan.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".