Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Qabtinka ciyaaraha qamaarka oo cudur loo aqoonsaday.

La daabacay måndag 6 augusti 2012 kl 14.54
Dad ciyaaraya qamaar. sawirka: Scanpix

Waxaa lagu sifeeyay in uu yahay xanuun ama jiro qabatinka ciyaaraha qamaarka qeybahooda kala duwan ee dadka u ciyaara si nasiibka ugu suuragaliyo in ay ku helaan lacag. Qabatinka qamaarka ayaa lagu sifeeyay doono in uu la mid yahay sida cudurka dadka qabatima cabista qamriga ama alkoholada.

Boqolkiiba labo ruux dadka ku nool Iswiidhan ayaa qabatima ciyaaraha qamaarka taasi oo la mid ah tirada dadka iyaguna sida daran u qabatimay cabista alkoholada.

Waxaa markii hore loo aqoonsanaa qabatinka ciyaaraha qamaarka mishaakil jahawareer ah oo qofka ku dhaca ama  haya iyada oo arrintaasi maareynteeda mas’uuliyadeeda ay laheyd hay’ada qaranka ee caafimaadka dadweynaha.

Hase yeeshee maadaama hadda lagu tilmaamay cudur ayaaa waxaa hadda mas’uuliyada dadka la xanuunsanaya ciyaaraha qamaarka ee aan iska deyn karin ciyaartiisa lagu wareejiyay  hay’ada caafimaadka iyo mida adeega bulshada , tani oo micnaheedu yahay dadka la xanuunsanaya cudurka  ciyaarista qamaarka in uu xaq u yeelan doono in  la daweeyo, sida uu u sheegay telifishinka SVT Anders Tengström oo ah qabiir ku xeel dheer qabatinka qamaarka.

"Boqol sano ka hor qabatinka alkoholada waxaa loo maleyn jiray xanuun mooral ah, oo dabeecad ahaan qofka waxaa loo heystay in uu yahay mid mooral ahaan daciif ah. Laakiin waxay qaadatay tobanaan sano in lagu sifeeyo xaalad caafimaad, ayuu yiri qabiirkan isaga oo intaasi ku daray in hadda ay tahay markii ugu horreysay ee qabatinka qamaarka in la qiro in ay tahay dhibaato xagga caafimaadka.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".