Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Christina Lugnet oo shaqadii laga ceyriyay

La daabacay måndag 6 augusti 2012 kl 16.13
Christina Lugnet, agaasimaha shaqada laga ceyriyay .

Sida lagu sheegay war saxaafadeed ka soo baxay waaxda manaafacaadka waxaa shaqadaii laga eryay agaasimaha guud ee hay'ada kobaca Christina Lugnet ee dhowaantan loo soo jeediyay edeymo ah ku takri falid lacag.

Christina Lugnet ayaa si ba'an loogu dhaliilay qarashaad lagu bixiyay xaflado raaxo ah iyo shirar loo qabtay shaqaalaha hay'ada ay madaxda ka aheyd ka dib markii uu sidaasi kashifay wargeyska maalin laha ah ee DN.

Haweeneydan ayaa laga dhigay agaasimaha guud ee hay'ada kobaca 1-dii bishii April ee sanadkii 2009-ka, iyada oo howshaasi ay kala wareegtay hay'ada horumarinta iyo hay'ad iyadana la oran jiray horumarinta miyiga iyada oo labadaasi hay'adoodba la xiray oo la baabi'iyay.

Christina Lugnet ayaa ku nool degmada Haparanda waxayna muddo shan sano ah soo heysay xilka hoggaaminta maamulka degmadaasi.

Waxy la nooshahay nin ay nolosha wadaagaan iyada oo dhashay labo caruur oo qaan gaar ah.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".