Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Gabadh lagu toogtay Sollentuna

La daabacay tisdag 7 augusti 2012 kl 10.08
En ung kvinna sköts i en lägenhet i Sollentuna, natten till tisdag. Foto: Lars Pehrson/Scanpix.

Boolsika ayaa dib ugu laabtay hadal ay ka yiraahdeen gabar 17 jir ah oo shalay lagu toogtay degmada Sollentuna ee dhacda waqooyiga Stockholm iyada oo markii hore booliska ay sheegeen in gabadhaasi ay dhimatay.

Jan Jonasson, oo ah mas'uulka warbaahinta uqaabilsan booliska qeybta waqooyiga ayaa u sheegay Radio Stockholm in warbixinta ay hore u sheegeen booliska in aysa sax aheyn isaga oo sheegay in gabadha aysan dhiman balse xaaladeeda ay aad u liidato.

Sida uu sheegay Jan Jonasson waxaa socda baaritaan ku saabsan isku day dil oo ah gabadha hadda taalla cisbitaalka.

Gabadhan ayaa lagu dhiftay dhowr xabadood markay shalay xaafadda Sollentuna ee waqooyiga Stockholm waxaana durbadii lagu qaaday diyaarad helikobtarka oo geysay cisbitaalka Karolinska.

Waxaa sidoo kale iyana booliska ay hayaan oo ay su'aalo weydiinayaan ilaa iyo saddex ruux oo kale oo iyaguna lagu xiriirinayo guriga ay ka dhacday mashaqada lagu dilay gabadha ee xaafadda Sollentuna.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".