Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Lar Vilks oo ka qeyb gelaya shir Islaamka ka dhan ah

La daabacay tisdag 7 augusti 2012 kl 10.28
Lars Vilks. Foto: Fredrik Sandberg

Farshaxan yaqaanka u dhashay dalka Iswiidhan ee Lars Vilks ayaa ka qeyb geli doona kulan loogu horjeedo Islaamka oo ka dhacaya magaaladda New York ee dalka Mareykanka 11-ka bisha soo socta ee Siteembar.

Lars Vilks ayaa ka hadli doona dooda ka taagan sawir eey uu ku tilmaamay nabi Maxamed taasi oo dhalisay in la isku dayo in la dilo isaga iyada oo farshaxanka hadda uu leeyahay ilaalo joogta oo waardiyeesa.

Shirkan ka dhacaya New York ayaa waxaa qaban qaabinaya isbaheysi caalami ah oo la yiraahdo SION (Stop Islamization Of Nations) iyada oo hadafka isbaheysigan uu yahay sidii ay u jooji lahaayeen waxa ay ugu yeeraan islaam ka dhigista dalalka.

Isbaheysigan waxaa gadaal ka riixeysa Pamela Geller, oo iyada iyo ururka midigta fog ee dalka Ingiriiska ee la yiraahdo EDL (English Defense League) ay si wada jir ah ku qabteen dhowaantan kulan ay u magac dareen lidka jihaadka magaaladda Stockholm.

Lakiin Lars Vilks ayaan u arkin wax dhibaato ah ka qeyb galka shirkaasi isaga oo sheegay in mar hore lagu tiriyay laguna xiriiriyo arrimo fara badan hase yeeshee isaga uusan u arkeyn in Islaamka yahay qatarta ugu weyn ee hadda ku fool leh wadamada reer galbeedka.

Mar la weydiiyay in ururka abaabulaya shirka New York uu u arko in Islaamka uu khatar ku yahay galbeedka, ayuu Lars waxuu ku celiyay mar kale in isaga uusan sidaasi u arkeynin arrinta.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".