Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Baaritaan cusub oo la xiriira Thomas Quick

La daabacay tisdag 7 augusti 2012 kl 11.02
Muwaadinka Israa'iil Yenom Levi ee lagu dilay Dalarna 1988 Photo:Scanpix

Booliska gobolka Dalarna ayaa mar kale dib u furaya baaritaanka mid ka mid ah eedeymaha dilalakaee loo heystay ninka lagu magacaabo Thomas Quick, balse hadda loo yaqaan Sture Bergwall, ka dib markii la helay raad raac DNA.

Thomas Quick ayaa horay looga daayay dilka hadda dib loo furayo baaritaankiisa oo ah dil loo geystay muwaadin u dhashay dalka Israa'iil oo la oran jiray Yenom Levi.

Yenom Levi ayaa lagu dilay meel la yiraahdo Rörshyttan marka ay taariiqdu aheyd 1988, dilkiisa ayaana ahaa mid ka keliya ee laga daayay Sture Bergwall, sida uu soo qoray wargeyska Svenska Dagbladet.

Leif GW Person, oo ah professor ku xeel dheer cilmiga dambiyada oo isagu baaray dilka Yenon Levi ayaa u xaqiijiyay wargeyska Svenska Dagbladet in ay jirto caddeyn farsamo oo horseedi karta in la helo qofka dilay muwaadinkaasi reer Israa'iil.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".