Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Dalxiisayaasha yurub ka yimaada oo yaraaday

La daabacay tisdag 7 augusti 2012 kl 13.06
Dalxiisayaal jooga Stockholm. Foto: Leif R Jansson/Scanpix.

Waxaa hoos u dhac ku yimid tirada dalxiisayaasha ka imaanaya wadamada kale ee Yurub ee u soo dalxiis tegaya Iswiidhan waxaana sabab u ah baa la leeyahay mushkilada dhaqaalaha ee ka jirta qaaradda Yurub iyo lacagta karoonka Iswiidhan oo qaali ah.

Waxaa la sheegayaa in haddii qof dalxiisa ah uu ku bixiyay 12.000 karoon safar uu ku yimid sanadkii hore Iswiidhan in maanta isla safarkaasi ay tahay in uu ugu soo talo galo kun dheeri ah oo uu ku daro lacagta kore.

Tirakoob ka soo baxay hay'ada SCB oo ku saabsan dalxiisayaasha imaanaya Iswiidhan ayaa muujineysa in dalxiisayaasha ka imaanaya yurub qeybaheeda kale uu hoos u dhacay gaar ahaaan dalalka mishaakilka dhaqaale uu sida ba'an u saameeyay sida, Spain oo dadka ka imaan jiray ay hoos u dhaceyn 13 boqolkiiba halka talayaaniga ay hoos u dhaceyn 17 boqolkiiba.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".