Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Tuugo hubeysan oo bangi dhacday

La daabacay tisdag 7 augusti 2012 kl 15.37
1 av 3
Tuugada oo u socoto gaariga ay ku baxsadeen photo: privat
2 av 3
Booliska oo xiray bangiga hortiisa. Photo: Stefan Eriksson
3 av 3
Gaariga la gubay ee tuugada ku baxsatay. Photo: Stefan Eriksson

Booliska ayaa baadi goobaya saddex nin oo ku hubeysan qoryaha AK 4 wejiyadana duuba yihiin oo saakay dhac u geystay bankiga Westra Wermlands Sparbank ee deegaanka Töcksfors. Kooxdan dableyda ah ayaa la baxsatay lacag iyadoo booliskana ay hadda ku raad joogaan.

Burcadan oo aroortii hore saakay weerar ku soo qaaday  bankiga Westra Wermlands sparbank  ee Töcksfors ayaa lacag ka qaatay bankiga, sida ay hadda xaqiijiyeen booliska.

Shaqaalaha bangiga ayaa riixay gambaleelka qeyla dhaanta markii saddexda nin hubeysan ay bangiga soo galeen.

– Baabuurta booliska iyo helikobtaro ayaa ka qeyb ah ugaarsiga,ayuu yiri  Leif Hultman, oo ah afhayeen u hadlay booliska Värmlandspolisen.

Ma kala cada cadadka lacagta ee ay dhacaan kooxda tuugada ah balse wax dhibaato kala ah ma aysan dhicin.

– Cidna waxba ma aysan ku noqon dhaca, ayuu yiri Leif Hultman.


Sida uu baahiyay Raadiyaha Iswiidhan kooxda dhaca geystay ayaa kala baxay dhismaha bangiga haweeney shaqaale ka ah iyaga oo markii dambe sii daayay una sheegay in ay cararto ka hor inta aysan iyaga ku baxsan gaari cad oo Volvo iyaga oo u dhaqaaqay dhanka xaduuda dalka Norway.

Booliska ayaa markii dambe helay gaariga ay ku baxsadeen tuugada  oo la gubay waxuuna ahaa gaari horay booliska loogu soo wargeliyay in la dhacay oo laga soo deegaanka Trädgårdsgatan  ee Forshaga.

Booliska ayaa hadda baadi goobaya gaari kale oo Volvo madow ah oo ay kaga shakisan yihiin in burcada ay kaxeysatay markii ay gubeen gaarigii hore ee bangiga kaga soo baxsadeen.

Sida lagu sheegay war saxaafadeed ka soo baxay booliska gaariga ayaa leh taargo u ek  KTO642.

Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".