Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Askarta ka soo noqota Afghanistan iyo xaaladood caafimaad

La daabacay onsdag 8 augusti 2012 kl 09.47
Askarta Iswiidhan ee qeybta ka ah howl galka Isaf ee Afganistan oo taagan banaanka gegida Marmal ee waqooyiga Afghanistan. Foto: Henrik Montgomery/Scanpix.

Toddobo ka mid ah ciidamada Iswiidhan ee ka soo qeyb galay howlgalada militeri ee dalka Afghanistan ee tan iyo sanadkii 2000 ayaa waxaa laga helay astaama muujinaya xanuunka la yiraahdo posttraumatiskt stressyndrom (PTSD), sida ay sheegtay wasaaradda gaashaandhiga.

Cudurkan oo marka la soo gaabiyo la yiraahdo PTSD ayaa lagu sifeeyaa maskaxda oo jahawareerta oo uu qofka dareemo wel wel xoog badan waxaana sababa qofka marka uu arko dhacdooyin fool xun sida dhibaatooyinka ka dagaalada sida dilka iyo dhaawaca.

Christer Westfahl, oo ah macallin caafimaad ahna sarkaal ka tirsan ciidmada keydka ee P7-regementet ee fadhigoodu yahay gobolka Skåne, ayaa rumeysan in ay jiraan askar oo badan oo aan la aqoon oo xanuunka qaba.

Sarkaalkan ayaa ah ninka hormuudka ka ah cilmi baarista ay wasaaradda difaaca ku sammeeyneyso askarta uu ku dhacay cudurkan ee ah kuwa ka soo qeyb gala howl galada dibedda iyada oo warbixin laga soo saaro askartaasi sanadkiiba mar.

Wasaaradda gaashaandhiga ee dalka Denimark ayaa iyadana sammeysay isla cilmi baaris sidan oo kala ah taasi oo muujisay in boqolkiiba shan askarta dalkaasi ee ka soo howl gashay dalka Afghanistan in uu hayo xanuunkan PTSDm, sida ay ku warrameyso wakaaladda wararka ee Ekot.

Patrik waa askari ka soo howl galay dalka Afghanistan sanadkii 2009, waxuuna sheegay tan markii uu ka soo noqday dalka Afghanistan in ay ku adkaatay in howlaha caadiga ee nolsohiisa uu maareeyo.

Christer Westfahl, oo ah macallin caafimaad ahna sarkaal ka tirsan ciidmada keydka ee P7-regementet ee fadhigoodu yahay gobolka Skåne ayaa sarkaalka baaraya askarta Iswiidhan ee cudurkan PTSD uu ku dhacay.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".