Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Mushaharka kalkaaliyaasha cusub oo hooseeya

La daabacay onsdag 8 augusti 2012 kl 10.55
Foto: Jonas Ekströmer/Scanpix.

Kalkaaliyayaasha cusub ee soo dhammeysta waxbarashada caafimaadka ayaa lagu waramayaa in aysan heli karin mushaharka ay doonayaan in ay ku shaqeeyaan oo 24,000 bishii, sida ay ku warantay wakaaladda wararka ee ekot.

Inkastoo shaqaale yari ay ka jirto qeybaha daryeelka caafimaadka, ayay haddana cisbitaalada waxay doorteen in aysan kordhin mushaharka shaqaalaha cusub taasi oo lagu tilmaamay in ay ka baqayaan in ay ka tagaan kalkaaliyaasha qibrada leh ee muddo ka soo shaqeynaayay cisbitaalada.

Hase yeeshee tani ayaa iyana sababtay in in cisbitaalada ay noqdaan kuwa buuxa.

Baaritaan ay wakaaladda wararka Ekot ku sammeeysay 21 cisbitaal ayaa muujinaya in mushaharka bilowga ah uu ka hooseeyo dhowr kun inta la doonayay , iyadoo u u dhaxeeyo 21 000 ilaa iyo 22 000 kronor. Ma jiro cisbitaal bixiya 24 000 kronor.

Cisbitaalka jaamacada Karolinska ayaa waxaa heysata dhibaato ah in uu helo shaqaale buuxiya boosaska ay ka maqan yihiin shaqaalaha aada fasaxa kuleylaha hase yeeshee cisbitaalka ayaa u arka in aysan xal aheyn in mushahar badan ay ku qortaan shaqaalaha boos buuxinta, sida ay sheegtay Ann-britt Bolin, oo madaxa dhaqaatiirta ee cisbitaalkaasi.

Ann-britt ayaa sheegtay in aan la kordhin mushahar waayo bay leedahay waxay taasi bedeleysaa hanaanka mushahar bixinta ee cisbitaalka oo dhan waxaana jirta khatar ah in shaqaalaha qibrada leh ay ka tagaan cisbitaalka haddii mushahar badan lagu qorto shaqaalaha cusub.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".