Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Iswiidhan oo xirtay safaaradii ugu furneed Belaruus

La daabacay onsdag 8 augusti 2012 kl 11.56
Wasiirka arrimaha dibeda Iswiidhan Carl Bildt iyo madaxweynaha Belaruus Alexander Lukasjenko. Foto: Scanpix

Wasaarada arrimaha dibeda ayaa xaqiijisay in la xiray safaardii Iswiidhan ee dalka Belaruus. Wasiirka arrimaha dibeda Carl Bildt ayaa ku soo qoray boggiisa twitter-ka in cabsida uu ka qabo madaxweynaha dalka Belaruus Lukasjenkos xaquuqda bina'aadamka in ay gaartay heer aad u sarreeysa.

Dalka Belaruus ayaa irdada isugu dhufatay safaaradda ugu furneed magaaladda Stockholm iyada oo sidoo kale tallabo ahaana xirtay safaaradda Iswiidhan ee magaalada Minsk Vittryssland stänger sin ambassad i Stockholm och i praktiken stänger de den svenska ambassaden i Minsk iyada oo soo ceyrisay dibolomaasiyiinta Iswiidhan ee halkaasi joogay waxay ugu dambeyn u qabatay in ay dalkeeda isaga tagaan dhammaadka bishan, sida uu sheegay afhayeenka wasaarada arrimaha dibeda Anders Jörle, oo la hadlay wakaaladda wararka ee TT.

"lukasjenko wuu ka soo ceyriyay Belaruus dhammaan dibolomaasiyiintii Iswiidhan. Cabsida uu ka qabo xaquuqda aadanaha waxay gaartay meeshii ugu sarreysay", ayuu Carl Bildt ku soo qoray Twitter.

Go'aanka lagu xiray safaaradda Belaruus ayaa yimid ka dib markii muran dibolomaasiyadeed uu soo kala dhex galay labada dowladood ee Belaruus iyo Iswiidhan iyada oo Belaruus ay ka soo ceyrisay dalkeeda safiirka Iswiidhan u fadhiyay iyada oo ku eedeysay danjire Stefan Eriksson in uu taageero mucaaradka dalkaasi.

Fariin jawaab u ah tallaabada Belaruus oo uu soo saaray maalintii Jimacaha ayuu wasiirka arrimaha Carl Bildt isna waxuu ku sheegay in safiirka Belaruus uu isaga tago Iswiidhan.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".