Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Iswiidhan oo ku guuleysatay bilad kale oo lagdan ah

La daabacay onsdag 8 augusti 2012 kl 12.07
Jimmy Lidberg med sin bronsmedalj. Foto: Mats Fagerström.

Lagdamaaga u dhashay Iswiidhan ee Jimmy Lidberg ayaa ku guuelystay bilad maar ah ciyaaraha olombikada ee ka socda magaalada London xalay fiidkii.

Sida uu baahiyay Raadiyaha Iswiidhan , Lidberg ayaa tartamay tartame u dhashay dalka Belaruus oo lagu magacaabo  Tsimafei Dzeinitjenka iyada oo uu la halgamay inta badan ciyaarta balse ka guuleystay wareegii saddexaad.

Biladan ayaa ah tii ugu horreysay ee olombik ah oo uu ku guuleysto ciyaaryahanka u dhashay Iswiidhan ee  Lidberg hase yeeshee waa biladii toddobaad ee Iswiidhan ay ka hesho ciyaaraha olombikada ee ka socda magaaladda London.

Jimmy Lidberg ayaa ka qeyb qaadanaayay lagdanka heerka 96 kiilo waxuuna muujiyay farxda aad u weyn markii uu ka adkaaday ciyaaryahanka ka soo horjeeday.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".