Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Dhaliil loo soo jeediyay gunooyin ay weli hesho Christina Lugnet

La daabacay onsdag 8 augusti 2012 kl 13.47
Christina Lugnet, agaasimaha shaqada laga eryay Foto: Erik Mårtensson /Scanpix

Agaasimihii shaqada laga ceyriyay ee hay'ada kobaca dhaqaalaha ee (tillväxtverket), Christina Lugnet ayaa weli heleysa gunooyin fara badan inkastoo hab maamulkeeda shaqada uu qaldanaa ayna taasi dhalisay in dowlada ay lumiso guud ahaanba kalsoonidii ay ku qabtay.

Christina ayaa weli ku leh guri bilaash ah oo aysan kiro bixineynin magaalada Stockholm waxayna sidoo kale weli qaadataa mushahar gaara 91 000.

Hase yeeashee arrintaasi ayaa sababtay mowjad dhaliil ah oo ka imaaneysa shacabka iyo siyaasiin ay ka mid yihiin Anders W Jonsson oo ka tirsan xisbiga (C) iyo Ulf Holm oo ka tirsan xisbiga (MP), waxayna dalbayaan in sharcigaasi wax laga bedelo iyo in baaritaan guud lagu sammeeyo hay'ada.

Mats Odell, oo ah guddoomiyaha guddiga dhaqaalaha ee baarlamaanka ayaa sheegay in ay haboontahay in baaritaan lagu furo hay'ada ka idb fadeexadii dhaqaalaha ee soo baxaday.

Sida uu soo qoray wargeyska Dagens Mats Odell ayaa doonayaa in la ogaado halka ay ka baxeyn lacago balaayiin ah oo midowga yurub deeq ahaan u siiyay hay'ada.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".