Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Gabdhii lagu toogtay Sollentuna oo geeriyootay

La daabacay torsdag 9 augusti 2012 kl 11.11
Boolis jooga halka lagu dhaawacay gabadha ee Sollentuna. Foto: Lars Pehrson/Scanpix

Gabadhii 17 jirka aheyd ee sida ba'an loogu dhaawacay maalintii Isniintii xaafadda Sollentuna ayaa u geeriyootay dhaawacii rasaasta ee loo geystay, sida ay booliska qeybta waqooyi ee magaaladda Stocholm u sheegeen wargeyska svd.se

Dhacdada lagu dilay gabadhaasi ayaa waxaa u xiran wiil 18 jir ah iyada oo goor dhowna maxkamad ay martay in willkaasi ay sii hayaan booliska.

Waxaan caadi aheyn in ay dhexdooda is dilaan caruurta da'dooda u dhaxeysa 15 sano ilaa iyo 19 sano, waxayna dhacdaa oo keliya labo jeer in dadka da'daa ku jira ay is dilaan.

Inta badan waa dumarka da'da yar kuwa la dilo. 22-kii sano ee u dambeeyay ku dhowaad 15 gabdhood oo ah da'da ka sarreysa tobanka sano ayaa waxaa dilay wiilal la da' ah.

Gabadhan hadda geeriyootay ayaa waxaa lagu dabiibayay cisbitaalka Karolinska ee Stockholm halkaasi oo diyaarad helikobtar ay geysay markii la dhaawacay maalintii Isniinta aheyd.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".