Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Mareykanka oo ku taageeray Iswiidhan muranka kala dhaxeeya Belaruus

La daabacay torsdag 9 augusti 2012 kl 15.54
Safiirka Iswiidhan ee Belaruus, Stefan Eriksson, iyo madaxweyne Alexander Lukashenko. Foto: Scanpix. Montage: Sveriges Radio.

Dowlada Mareykanka ayaa ku taageertay Iswiidhan muranka diblomaasiyadeed ee kala dhaxeeya dalka Belaruus waxii ka dambeeyay markii safiirkii Iswiidhan u fadhiyay dalkaasi Belaruus laga soo eryay dalkaasi.

Bogga internet-ka ee waaxda arrimaha dibeda ee dalka Mareykanka ayaa lagu sheegay in Washington ay aad ugu walaacsantahay xaalada dalka Belaruus.

Sida lagu sheegay hadalka qoraalka ee ku daabacan bogga waaxda arrimaha dibeda ee Mareykanka, go'aanka ay Belaruus ay ku eriday safiirka Iswiidhan ayaa sii go'doomin doono dowlada Belaruus.

Mareykanka ayaa ugu baaqay Belaruus in si deg deg ah si ku sii deyso maxaabiista siyaasiyiinta ah ee ku jira xabsiyada dalkaasi iyo in ay joojiso cadaadiska ay ku heyso mucaaradka u ololeeya dimoqraadiyada ee dalkaasi.

Safiirada midowga ee fadhiya Brussels ayaa berito isugu tegaya kulan deg deg ah oo ujeedadiisu tahay in laga hadlo go'aanka Belaruus ay ku soo eriday safiirka Iswiidhan u fadhiyay dalkaasi.

Sida uu sheegay guddiga midowga yurub ee arrimaha dibeda iyo siyaasada ammaanka, kulanka berito ayaa ahin midowga yurub uu taageero Iswiidhan fariin muuqatana loo diro dalka Belaruus, taasi oo ah in hab dhaqanka Belaruus ee ka dhanka ah Iswiidhan in uu yahay mid ka dhan ah midowga yurub oo dhan.

Martin Uggla, oo ah madaxa kooxda Austria ee dimoqraadiyada iyo xaquuqda bina'aadamka ayaa ka digay in khilaafka u dhaxeeya Belaruus iyo Iswiidhan uu sii xoogeysto.

- Arrinta oo dhan waxaan u arkaa in ay tahay natiijo ka dhalatay hanaanka adag ee midowga yurub ula dhaqmo Belaruus. Waxaa dhici karta in midowga Yurub uu jawaab bixiyo, waxaana dhici karta in safiirada lagala soo baxo Belaruus ama in cuno qabateyn la saaro, ayuu yiri Uggla.

Kla bar dhaqaalaha Iswiidhan ay siiso Belaruus oo gaaraya 130 milyan ayaa waxuu aadaa mashruuca dimoqraadiyada.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".