Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/
Billig el

Qiimaha korontada oo heerkii ugu hooseeyay gaaray

La daabacay fredag 10 augusti 2012 kl 10.41
Baalo koronto. Foto: Johan Nilsson/Scanpix

Waxaa lagu waramayaa in roobkii badnaa ee da'ay xagaagan ama kuleylahan in uu hoos u dhigay sicirka korontada ay isticmaalaan dadweynaha iyada oo hoos u dhacan ku yimid sicirka korontada uu yahay mid ugu hooseeyay taariikhda, sida uu ku waramay teilifishinka SVT.

Dad badan ayaa iyagu doortay in ay galaan heshiiska isticmaalka korontada ee lala galo shirkadaha bixiya adeega korontada ka dib markii ay arkeen hoos u dhacan yimid.

Sicirka korontada ugu raqiisan ayaa ah 11,5 öre halkii kilowatt waxuuna sicirka heerkaasi uu ka gaaray magaalada Malmö iyo deegaanada ku xeeran.

Sida uu sheegay xafiiska macaamiisha isticmaalka korontada hoos u dhacan ku yimid qiimaha isticmaalka korontada ayaa ah kii ugu hooseeyay muddo labo iyo toban sano iyada oo dad badan ay hadda gelayaan heshiiska korontada.

Qiimaha korontada kii ugu badaa ayaa waxuu ahaa 94,5 öre halkii kilowatt, waxaana intaasi uu gaaray bishii Janaayo ee sanadkii 2010, xilligaasi oo qaboobaha uu gaaray heer aan caadi aheyn waxaana isla bishii Luulyo ee sanadkaasi qiimaha korontada uu ahaa 43,5 öre kilowatt.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".