Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Aron Modig oo ka hadlay shilkii Kuba

La daabacay fredag 10 augusti 2012 kl 12.09
Aron modig mar uu shir saxaafadeed ku qabtay magaalada Havanna. Foto: Franklin Reyes/Scanpix.

Hoggaamiyaha ururka dhalinyarada ee xisbiga Kristian Dimokrat-ka ee dalka Iswiidhan Aron Modig ayaa markii ugu horreysay ka hadlay shil gaari uu saarnaa oo ka dhacay dalka Kuba oo uu ku dhintay nin dunida caanka ahaan oo ku kacsanaa dowlada Kuba.

Aron Modig oo wareysi siiyay idaacadda P1 ayaa sheegay in uusan dooneyn in uu saadaaliyo sida uu shilka u dhacay isaga oos heegay in maskaxdiisa ay soo marayaan xasuusyo yar yar oo ah in gaariga uu wadada ka baxay oo jug xoog badan ay dareemeen isagana uu miyir daboolmay.

Shilkaasi gaariga ayaa waxaa ku geeriyooday Oswaldo Paya oo ahaa nin si weyn u diidanaa siyaasada shuuciga ee dowlada Kuba iyo qof kale oo isna ka mid ahaa dadka bulshada u dhaqdhaqaaqa oo u dhshay isla dalkaasi.

Haweeneyda uu ka dhintay Oswaldo Paya ayaa sheegtay in gaariga ay wada saarnaayeen ninkeeda in siyaasigan Iswiidhan in si ula kac ah wada looga saaray oo shilka ahaa mid dowlada Kuba ka dambeeysay laakiin Aron ayaa sheegay in uusan dooneyn in uu wax iska saadaaliyo.

Aron Modig ayaa sheegay in is arkay isaga oo yaalla cisbital balse ku wareersan halka uu joogo waxuuna sheegay in fariinsms ah uu u soo diray qof ay saaxiibo yihiin oo joog Iswiidhan si uu u weydiiyo halka uu joogo.

Modig ayaa sheegay in booliska dalka Kuba ay muddo toddobo cisho su’aalo weydiinayaan iyaga oo weydiinayay wax uu ka qabanaayay Kuba.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".