Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Midowga Yurub oo ka shiraya muranka Iswiidhan iyo Belaruus

La daabacay fredag 10 augusti 2012 kl 14.00

Safiirada Midowga Yurub ayaa maanta ku kulmaya xarunta midowga ee magaalada Brussels ee dalka Biljimka si ay uga wada hadlaan si go'aan mideysan ay uga qaataan dalka Belruus ka dib markii muran dibolomaasiyadeed oo xoog badan uu dhex maray dalka Iswiidhan iyo Belaruus.

Sida uu sheegay madaxa midowga Yurub ujeedada kulankan ayaa ah sidii midowga yurub mowqif isku mid ah uga qaadan lahaan dalkaasi Belaruus.

Shalay gelinkii dambe muranka u dhaxeeya Belaruus iyo Iswiidhan ayaa sii xoogeystay ka dib markii madaxweynaha Belaruus Alexandr Lukasjenko uu sheegay in safiirka Iswiidhan u fadhiyay dalkaasi uu ku lug lahaa dhacdo bishii Luulyo hawada looga soo daadiyay caasimada dalkaasi ee Minsk butiyaal ay ku qornaayeen fariimo dalbaya in la hagaajiyo xorriyada fekerka ee dalkaasi.

Butiyaashaasi ayaa waxaa ka dambeysay shirkad xayeysiis oo ku taalla dalka Iswiidhan.

Sheegashada ka soo yeertay madaxweynaha Belaruun ayaa waxaa si weyn u beenisay wasaaradda arrimaha dibedda ee Iswiidhan iyada oo wasaarada hadalkaasi ku tilmaamay ''mid hawada ka yimid''

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".