Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Maxkamada magaalada oo xukun ka gaartay dil ka dhacay halkaasi

La daabacay fredag 10 augusti 2012 kl 14.22
Boolis jooga biibitada uu dila ka dhacay sanadkii hore. Foto: Johan Nilsson/Scanpix

Maxkamada magaaladda Malmö ayay maanta ku xukuntay Saddex nin min 15 sano oo xabsi ah ka dib markii lagu helay raggan dil ka dhacay biibito ku taalla magaaladaasi muddo sanad ka hor.

Kiiskan ayaa kow ka ah dhowr kiis oo toogasho ah oo ka dhacday magaaladaasi oo qaarkood xukuno laga gaaray qaarna ay weli socoto dacwadooda.

Waxay aheyd bishii Ogoosto ee sanadkii hore markii wiil 19 jir ah lagu dilay banaanka biibito ku taalla magaaladda Malmö.

Sida ay sheegeen xeer ilaaliyaasha afar nin ayaa loo heystaa dilkaasi inkastoo afartaba aysan wada ridin xabada dilay ninka dhalinyarada ah.

Afarta nin ayaa ah qaraabo iyada oo saddex ay yihiin walaalo. Mid ka mid afarta ayaa la sii daayay ka dib markii ay dhammaatay maxkamada ku socotay, taasi oo muujineysa in uusan ku dhicin wax xukun ah oo la xiriira dailka.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".