Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Badsashada kaniinka xanuun baabi'yaha oo laga deyriyay

La daabacay måndag 13 augusti 2012 kl 10.14
Värktabletter. Foto: Josefin Lilja/SR.

Kaniiniyaal badan oo ah nooca xanuun baabi'yaha ayaa la sheegayaa in ay halis yihiin iyada oo xanuun baabiyayaasha kala ah Voltaren iyo Eeze iyo kuwa kale oo ay ku jirto maadada diklofenak ay sababi karaan wado xanuun ama in qofka uu dhinto wadnaha.

Hase yeeshee waxaa sii kordhaya iibsashada kaniiniyaasha loo cuno xanuun baabi'inta inkastoo khatar la sheegay isticmaalkooda faraha badan.

Shantii sano ee u dambeysay waxaa aad u kordhay iibsashada dawooyinka ay ku jirto maada diklofenak in ka badan 30 boqolkiiba dalak Iswiidhan, sida ka muuqato warbixin ay soo qortay wakaaladda wararka ee Ekot.

Hay'ada la socodka dawooyinka ee Läkemedelsverket ayaan dooneyn in dadka ay kaga digto isticmaalka kaniinka ay ku jirto maadada xanuunka baabi'isa ee diklofenak inkastoo halis laga sheegayo, sida ay ku warameyso Sahra Barzi oo ka tirsan Läkemedelsverket.

- Waxay ila tahay in ay wanaagsan tahay in suuqa laga helo waxyaabo badan. Laakiin waxaa aad u muhiim ah in la ogaado in daawooyinka la yiraahdo receptfria in isticmaalkooda uu yahay si ku meel gaar ah. Qof xanuunsanaya ma ahan in xanuunka uu iska hayo dhowr asbuuc oo xiriir ah isaga oo aan ogaaneynin waxa sababaya xanuunka haya, ayay tiri Sahra Barzi.

Si guud looma arko wax khatar ah isticmaalka kaniiniga xanuun baabi'yahay hase yeeshee dhowr cilmi baaris oo la sammeeyay ayaa muujiyay haddii qofka si joogta ah u cuno kaniini ay ku jirto maadada diklofenak, tusaale ahaan Voltaren iyo Eeze in ay taasi kordhineyso halista ah in qofka uu dhinto wadno istaag.

Fråga
Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".