Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Karin Eström oo aan dooneyn in Sacuudiga ay ugu yeerto kali talis

La daabacay måndag 13 augusti 2012 kl 11.56
Wasiirada difaaca Iswiidhan Karin Enström Foto: Maja Suslin/Scanpix.

Wasiirada difaaca ee Iswiidhan Karin Enström ayaan dooneyn in ay ugu yeerto dalka Sacuudiga in uu yahay waddan xukun keli talis uu ka jiro iyada oo ururka difaacayaasha xaquuqda aadnaha ee Civil Rights Defenders uu arrinkaasi dood culus ka muujiyay, sida ay ku warameyso Ekot.

Wareysi ay siisay qeybta wararka ee raadiya Iswiidhan ee Ekot ayay wasiirada gaashaandhiga waxay ku sheegtay in dalalka ay ku kala soocin sidaasi.

Karin Enström ayaa sheegtay in aysan sammeyn liis balse la dhihi karo in dalka Sacuudiga aysan ka jirin dimoqraadiyad

Dalka Sacuudiga ayaa qalad militeri waxuu ka iibsadaa Iswiidhan waxaana hubkaasi ka mid ah gantaalka la yiraahdo ''Bill'' ee sida aadka loo casriyeeyay ee lagu baabi'iyo dabaabadaha waxaana gantaalkaasi sammeysa shirkada Bofors waxaana si weyn u isticmaala ciidamadda lugta.

Markii loo magacaabay jagada wasiirka gaashaandhiga ee Iswiidhan, Karin Enström ayaa durabadiiba waxaa loo soo jeediyay dhaliilo ka dib markii ay diiday in dalka Sacuudiga ugu yeerto dal dikteetar ah hase yeeshee imminka oo ay ka soo wareegtay afar bilood tan iyo markii ay qabatay xilkaasi ayay wasiirada weli waxa ku taagan tahay go'aankeedii hore balse waxay sheegtay in dalkaasi hanaanka ka jira uusan mid dimoqraadi ah.

Liis uu soo saara urur u ololeeya xaquuqda aadnaha lana yiraahdo Freedom House ayaa dalka Sacuudiga waxaa lagu tilmaamay dalalka kuwooda ugu xun xagga ku tumashada xaquuqda aadanaha.

Robert Hårdh, oo ah madaxa ururka Civil Rights Defenders, ayaa dhliilsan dowlada Iswiidhan sida ay u aragto dalka Sacuudiga isaga ii yiri:

- Waxay ila tahay arrin yaab leht, waxay muujineysaa in cabsi weyn ay ka jirto in la xukmiyo dalkaasi. Laakiin su'aasha ku saabsan Sacuudi Carabiya dhabtii ma ahan su'aal xad leh waa ay iska cadahay in dalkaasi uu yahay diktatoor, ayuu yiri madaxa ururka xaquuqda aadanaha ee Civil Rights Defernders, Robert Hårdh.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".