Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
Dab ka kacay nawaaxiga Kronåsen ee Sollentuna. Daaqadaha iyo albaabada in la xirto ayaa la is fareyaa.

Cunooyin wax ka tara cudurka kansarka naasaha

La daabacay måndag 13 augusti 2012 kl 13.55
Bättre behandla metastaser för att minska dödlighet i bröstcancer. Foto: Stefan Gustafsson/Scanpix

Khatarta cudurka kansarka naasaha ayaa aad ugu yar dumarka laga helay xanuunkaasi balse markii laga helay dib aad u badsaday qaadashada cuntooyinka ay ku badan yihiin maadada selen marka lala bar bar dhigo dumarka cuno cadad yar oo ah cunooyinkaasi ah, sida ku cad cilmi baaris uu sammeeyay machadka caafimaadka ee Karolinska institutet.

Professor Alicja Wolk oo ka tirsan machadkan ayaa u sheegtay wargeyska Uppsala Nya Tidning in dumar gaaraya 3 000 oo cilmi baarista ay daba socotay 22 sano ay muuqato in cunooyinka ay ku badan tahay maadada selen oo ay dumarkaasi si aad ah u qaadanayeen in ay u sahashay in ay helaan fursado ay kaga samatabaxaan cudurka kansarka naasaha.

Cunooyinka laga helo maadada Selen ayaa waxaa ugu horreeya kalluunka iyo waxyaabaha la cuno ee caanaha ka sammeysan.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".