Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Dowlada oo dooneysa in laga hortago kooxaha rabshadaha ka sammeeya garoomada

La daabacay måndag 13 augusti 2012 kl 16.39
Booliska oo xiraya dad rabshado ka sammeeyay goob isboorti. Arkivbild. Foto: Scanpix

Dowlada ayaa dooneysa in laga hortago oo la joojiyo dambiyada la xiriira ciyaaraha isboortiga iyo garoomada kubada cagta ee ay sammeeyaan dadka rabshoolayaasha ah iyada oo u xilsaartay hay'ad in ay soo diyaariso qorshe howleed lagu wajahayo arrintaasi.

Hay'ada la yiraahdo Datainspektionen (DI) ayaa cilmi baaris ku soo sammeysay qorshahaasi waxayna sheegtay in ay u aragto wax wanaagsan in guddiga ciyaaraha dalka ee Riksidrottsförbundet in loo oggolaado in uu sammeyo xarun dhexe oo diiwaan gelin ah oo u diida shaqsiyaadka rabshoolayaasha ah in aysan gelin goobaha isbootiga iyo tartamada ciyaaraha intaba.

Hay'ada Datainspectionen ayaa sheegtay in hindisaha la hayo uu leeyahay dal daloolo iyo qoddobo aan kala caddeyn oo u baaahn in la saxo ka hor inta aan la sharciyeenin.

Agaasimaha guud ee hay'ada Datainspektion Göran Gräslund ayaa ku sheegay war saxaafadeed uu soo saaray in damaca hadda la wado uu xoogi saari doono in la ilaaliyi qofka shaqsiyadiisa balse waxaa kale uu sheegay in ay muhiin tahay in qiimeyn rasmi ah lagu sammeeyo danaha isu wada xiran.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".