Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Ecuador oo go'aan ka gaareysa Assange toddobaadkan

La daabacay tisdag 14 augusti 2012 kl 12.27
Bidix: Julian Assange. Midig: Madaxweyne Rafael Correa. Foto: Kirsty Wigglesworth och Dolores Ochoa/Scanpix. Montage: Sveriges Radio.

Madaxweynaha dalka Ecuador Rafael Correa ayaa laga filayaa toddobaadkan gudihiisa in uu jawaab ka bixiyo codsiga magan gelyo doon ee dalkaiisa uu weydiistay aas aasha hay'ada siraha kashifta ee Wikileaks Julian Assange, sida ay baahisay wakaaladda wararka ee TT.

-Waxaan rajeyneynaa in toddobaadkan aan soo saarno hadal ku aadan codsiga Assange, ayuu yiri madaxweyne Correa oo la hadlay telifishinka dowlada ee ECTV maalintii shalay.

-Waxaan rajeyneynaa in aan kulan yeelano maalinta arbacada ugu dambeyn si aan go'aan ugu gaarno arrinka Assange, ayuu yiri mdaxweynaha dalka Ecuador.

Julian Assange ayaa ku jira safaaradda Ecuador ee magaaladda London isaga oo diidan in loo soo gacan geliyo Iswiidhan oo ay ka furantahay dacwad ah in uu geystay kufsi.

Xitaa haddii Ecuador ay siiso Assange magan gelyo siyaasadeed uma suuragaleyso in uu aado dalkaasi waxay taasi micanaheeda noqoneysaa in xabsi guri uu ku ahaado safaaradda dhexdeeda waayo haddii uu diebda kaga soo baxo waxaa xiraya booliska Ingiriiska oo dibedda safaaradda taagan.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".